Madaxa wasaaradda waxbarashada ee dalka u qaabilsan deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa Mr. Idiris Budul Shuuriye ayaa waalidiinta deegaanka Dadaab ugu baaqay inay carruurtooda kula dadalaan tacliinta.
Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah ardaydii sameeyay imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da aynan weli ku biirin dugsiyada sare.
Mr. Idiris oo xusay inay wadaan dabagal arrintan ku aaddan ayaa dhanka kale waalidiinta ku boorriyay inaysan gabdhaha dugsiyada dhiganaya guur kula degdegin .