DHAGEYSO:William Ruto oo olole siyaasadeed ka sameeyay Mandera

0
424

Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa isku soo bax siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Mandera.
Waxaa uu sheegay inay qasab tahay in bulshada soomaaliyeed ee u dhashay dalka sida kenyaanka kale ay u helaan aqoonsiga qaran iyo dokumeentiyada muhiimka ee uu baasaboorka ka mid yahay.
Ruto ayaa ballanqaaday in haddii uu hoggaanka wadanka qabto , maamulkiisa uu soo afjari doono dilalka sharci darrada ah.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay in shacabka Mandera iyo si guud gobolka waqooyi bari ay fursad u heli doonaan sare u qaadidda wax soo saarkooda dhaqaale .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here