Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Meru oo horay u soo jeediyay in dowlad deegaankaasi laga mamnuuco in lagu dhaqdo geela ayaa lagu boorriyay inay arrintaasi dib u eegaan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay in kastoo ay qadarinayaan soo jeedinta mas’uuliyiinta maadaama ay tahay arrin ku saleysan amni haddana in takoor laga dheehan karo.
Waxaa uu intaasi ku daray in iyagoo adeegsanaya nidaam sharciyeed inay madaxda Meru ka codsan doonaan ka laabashada go’aankaasi.
Wasiirka ayaa tilmaamay in mowqifka siyaasiyiinta uu ka midka yahay barasaabka Meru Kiraitu Murungi uu yahay mid aan loo baahneyn.
Waxaa uu intaasi ku daray in ujeeddo kasta oo ay ka leeyihiin arrintan ay haleeli karaan iyagoo aan waddadaasi u marin.