Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo loo doortay guddoomiyaha jaaliyadda Bariga Afrika-EAC

0
755

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa waxaa loo doortay guddomiyaha cusub ee jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC.
Mr Kenyattaa ayaa la doortay ka dib kulankii 21-aad ee qaabka muuqaal aragga fog oo ay ka wada qayb galeen madaxweynayasha dalalka Bariga Afrika.
Waa kulankii ugu horreeyay hoggaamiyaasha ugu sarreeya dalalaka Bariga Afrika qaab online ah lagu qabto.
Uhuru ayaa waxaa xilkan kala wareegay dhigiisa wadanka Rwanda Paul Kagame oo maamulka la wareegay bishii Labaad ee sanadkii 2019-ka.
Intii uu shirka socday Dr. Peter Mutuku Mathuki oo u dhashay Kenya ayaa asna loo doortay xoghayaha guud ee jaaliyadda Bariga Afrika muddo shan sano ah.