Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay shil baabuur oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay ismaamulka Kitui.
Shilkan ayaa waxaa sababay ka dib markii bas ay leedhahay shirkadda Palanet uu ku dul istaagay baabur yar oo nooca Toyota.
Waxaa uu shilkan si gaar ah uga dhacay deegaanka Kanyonyoo ee ku teedsan waddada wayn ee xiriiriso magaalooyinka Thika iyo Gaarisa.
5-ta qof ee la socotay gaariga yar ayaa isla goobta ku dhimatay halka labada kalena ay la socdeen baska Planet oo ka soo baxay magaalada Garissa kuna soo wajahnaa caasimadda dalka ee Nairobi.
Taliyaha booliska deegaanka hoose Yatta Mary Kashee Njoki ayaa xaqiijisay shilkan.
Waxaa ayna uga digtay darawaliinta inay baabuurta u kaxeeyaan si xowli ah.
Shalay oo kaliya 12 qof ayaa la xaqiijiyay in gudaha Kenya ay ugu dhinteen shilal.
Sidoo kale 72 saacadood gudahood in ka badan 20 qof ayaa Kenya ugu dhimatay shilal gaari.