4 boolis oo loo haysto dilka qof fal dhac ah ku eedeysnaa

0
682

Waxaa dacwad lagu soo oogay afar ka mid ah ciidamada booliska dalka oo loo haysto inay dileen Wycliffe Owuor oo lala xiriiriyay fal mid ka mid ah xarumaha ATM-ka ee Nairobi looga dhacay 72 milyan oo shilin.
Saraakiisha ayaa lagu kala magacaaba Joseph Ojode Obambo, Henry Mutai, Bashiir Cali iyo Charles Kirimi.
Maanta ayaa la soo taagay maxkamad ka dib markii ay 24-kii bishii saddexaad ee sanadkii 2020 ay isgoyska Kayole ee Nairobi ay ku toogteen eedeysanaha oo bannaanka ku joogo damaanad lacageed oo dhan 500,000 oo shilin.
Hasa ahaate askarta ayaa iska fogeeyay eedeynta waxaana lagu sii hayn doonaa xarunta Nairobi Remand Home.
Waxay maxkamadda ka codsadeen inay damiin ku siidayso in kastoo ay maxkamaddu arrintan soo hadal qaadi doonto 21-ka June ka hor inta dacwadda ka dhanka ah saraakiisha aan la dhageysan 17-ka iyo 18-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.