Karua oo sheegtay in sanad kasta Kenya laga lunsado in ka badan 800 oo bilyan

0
311

Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Martha Karua ayaa sheegtay inay fureen bog cusub oo sida ay hadalka u dhigtay dib loogu soo celinaya sharafta dhammaan kenyaanka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in qorshaha ay xalay u soo bandhigeen dadweynaha uu yahay mid ku saleysan dib u soo noleynta dhaqaalaha wadanka.
Karua ayaa wareysi gaar ah oo ay siisay telefishinka maxalliga ee Citizen faahfaahin uga bixisay sida isbeheysiga Azimio uu ku maalgelin doono barnaamijyada horumarineed ee dhanka dhaqaalaha , caafimaadka , waxbarashada , badbaadinta bulshada iyo kuwa kale.
Waxay xustay in Kenya ay leedahay dhaqaale ku filan oo waxyaabo badan lagu fulin karo haddii sida habboon loo maareeyo lacagaha dowladda.
Martha Karua ayaa carrabka ku adkeysay in iyada iyo Raila ay dagaal culus ku qaadi doonaan falalka lagu lunsado kheyraadka dowladda.
Waxay sheegtay in marka la daboolo dulduleellada jira, laga hor tago isticmaalka miisaaniyad aan la qoondeyn iyo qiimaha mashaariicda horumarineed ee laga sarreysiiyo inta loogu talagalay ay soo hari doonto lacag ku filan hirgelinta mashaariic horumarineed.
Martha Karua ayaa tusaale u soo qaadatay in sanad waliba falalka wax isdaba marinta ee gudaha dalka lagu lunsado ugu yaraan 800 oo bilyan oo shilin.
Lacagtan ayay ku sheegtay saddex meelood hal meel miisaaniyadda guud ee wadanka.
Sido kale waxay hoosta ka xarriiqday inay ballaarin doonaan uruurinta canshuuraha .
Mrs. Karua ayaa intaasi ku dartay in haddii ay ku guulaystaan hoggaanka wadanka ay dib u habeyn doonaan deymaha shisheeye ee ay dowladdu qaadato.
Waxay ku celcelisay in qorshaha Azimio ee la soo saaray uu yahay mid si qoto dheer looga baaran degay iyadoo la kaashanaya aqoonyahaano dhaqaale oo jaangooyay qarashaadka ku bixi karo mashaariicda qorsheysan.
Meelaha uu gaabadka ka jiro ayay Karua ku sheegtay lacagaha ay dowladda siiso waayeellada iyo dadka nugul iyadoo xustay in tabashooyinka ay ka mid tahay in aan labo sano la diiwaangelin waayeellada 70 sano jirka iyo kuwa ka wayn.
Waxay Karua ku celcelisay in haddii sida habboon loola tacaalo musuqmaasuqa oo dhaqaalaha dowladda si wanaagsan loo isticmaalo ay suurtagal tahay ka dhabeynta ballanqaadyada siyaasadeed.