Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 5 ruux ka dib shil shalay ka dhacay deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu .
Ciidamada booliska ayaa laga soo xigtay in baabuurka shilka galay oo siday shaqaale ay leedahay mid ka mid ah shirkadaha dhismo ee Shiinaha.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaanka Kiambu Muchangi Kioi, ayaa sheegay in baabuurka si xowli ah loo kaxeynayay.
Hasa ahaate 5-ta qof ee rakaabka oo ka cabsi qabay in gaariga uu mid xamuul ku dhaco ayaa baabuurka iska tuuray taasoo keentay in la jiiro.
Waxay dhammaan ku geeriyoodeen isla goobta halka uu dhaawac soo gaaray 12 kale oo hadda laga daweeynaya dhaawacyo halis ah.