Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay inuu hoggaamin doonin u ololeynta diidmada ee BBI

0
779

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa si cad u sheegay inuusan hoggaamin doonin ololaha looga soo horjeedo ee ku aadan hindisaha sharci beddelka ee la doonayo in wax looga xeerarka wadanka.
Dhawaan ayaa la filaya in dalka ay ka dhacdo afti loogu codeynayo xeerka wax ka beddelka ee dastuurka dalka ka dhaqangalsan oo la ansaxiyay sanadki 2010-kii.
Dr Ruto, oo loo arko inuu yahay hoggaamiye si weyn uga soo horjeeda BBI-da ayaa ku baaqay in kenyaanka loo ogolaaday inay si madaxbanaan ugu codeeyaan geddisocodkan.
Hadalka madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa yimid xilli dhawaan ay aqalka madaxtooyada isugu yimaadeen siyaasiyiin ay horkacayeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga kuwaas oo si weyn uga qayb qaadanayo ololaha lagu tageerayoi BBi.
DP Ruto ayaana wali ka hadlin meel marinta BBI ay wakiillada goloyaasha hoose ee ismaamullada dalka.
Tani ayaa u fududeynaysa siyaasiyiinta taagersan wax ka beddelka sharciga dalka u degsan inay sii aadaan afti ay Kenyaanka codkoodu uga dhiibtaan hanaankan.