Waaxda dacwad oogidda oo tababar ku saabsan arrimaha carruurta ka wado Nakuru

0
290

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegtay in ismaamulka Nakuru uu ka socdo tababar la siinaya aqoonyahaano bixin doono tababar ku saabsan la tacaalidda arrimaha carruurta.
Tababarka ayaa waxaa qaadanaya ilaa 70 ah saraakiisha dacwad oogidda oo ka soo jeedo dhammaan dowlad deegaannada wadanka.
Waxaa isbuucan la tababari doonaa 35 dacwad oogayaal ah iyagoo la fahansiinaya hagaha dacwad oogidda hannaanka cadaaladeed ee falal dambiyeedyada khuseeya carruurta oo dhawaan la soo bandhigay.
Waxaa sidoo kale tababarka qayb ka ah xadgudubka galmo ee carruurta iyo tacaddiga loogu gaysto baraha intarneetka iyo wareysiyada lala yeesho ubadka.
ODPP ayaa intaasi ku dartay in qaybta labaad ee dacwad oogayaasha la tababari doono isbuuca saddexaad ee bishan.