DHAGEYSO:Marsabit oo laga helay in ka badan 200 oo hub sharci darro ah

0
280

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay in howlgal amni oo laga sameeyay ismaamulka Marsabit lagu soo helay ugu yaraan 200 oo hub sharci darro ah.
Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay rasaas gaaraysa 3000 .
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu socdaal ku tagay dowlad deegaankaasi si uu indhaindhayn ugu sameeyo xaaladda amni.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in howlgallada amni ay sii socon doonaan ilaa iyo inta dowladdu ay gacanta uga dhigaysa ugu yaraan 5,000 oo ah hub sharci darro oo la rumeysan yahay inay shacabku haystaan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamo iskudhaf ah oo Marsabit laga howlgeliyay bishi hore ay soo celiyeen nidaamkii kala dambeynta hasa ahaate soo afjaridda hubka aan sharciyeysnayn ay tahay istaraatiijiyad amni oo muddo dheer ah.
Matiangi waxaa uu sheegay in dowladdu ay racfaan ka qaadan doonto go’aan maxkamadeed oo lagu siidaayay sarkaal horay uga tirsanaa militariga dalka oo lagu eedeynaya inuu Marsabit soo geliyo hubka sharci darrada ah.
Wasiirka ayaa xusay inay hayaan caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah tuhmanaha.
Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ee dalka ayaa sheegay in bandow lagu soo rogay Marsabit 4-tii bishii hore oo dhawaan lagu kordhiyay muddo 30 cisho uu sii shaqeyn doono ka dib doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Bandowga oo yimid ka dib falal amni darro oo ismaamulkaasi ku soo noqnoqday ayaa jira inta u dhexeysa 6-da maqribnimo ilaa 6-da aroornimo.