IEBC oo 4 musharrax u ansaxisay xilka madaxtinnimo

0
481

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa shalay soo gabagabeeyay qiimeyn uu maalmihii la soo dhaafay ku sameynayay shakhsiyaad doonaya inay 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan u tartamaan hoggaanka wadanka.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in qiimeynta ay ku soo baxeen oo la ansaxiyay musharraxiinta madaxweyne ee kala ah Raila Odinga (Azimio), William Ruto (xisbiga UDA), David Waihiga(xisbiga Agano) iyo dhigiisa xisbiga Roots Prof. George Wajackoyah.
IEBC ayaa laga soo xigtay in musharraxiintan ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa.
Chebukati oo shir jaraaid qabtay ayaa afarta musharrax ee madaxweyne iyo tartamayaasha xilalka kale ee hoggaanka guud ahaan wadanka ku boorriyay in inta ay ololeynayaan ay u hoggaansamaan habdhaqanka laga doonayo ee doorashooyinka.
Sidoo kale IEBC ayaa meesha ka saartay shahaadadii lagu soo xushay musharraxa madaxweyne ee xisbiga Umoja Summit Walter Mong’are ka dib markii uu ku guuldareystay inuu u hoggaansamo amar ay ugu yeertay IEBC si uu u caddeeyo shahaadooyinkiisa waxbarasho.
Bayaan uu soo saaray guddiga doorashooyinka ee dalka ayaa waxaa ku cad in 13 musharraxiin madaxweyne aan loo ansaxin ka qayb galka loolanka ku aaddan hoggaanka ugu sarreeya dalka maadaama aynan buuxin shuruudo lagu xiray sida shahaadada Degree iyo inay gudbiyaan 48,000 oo ah saxiixyada taageerayaashooda waxayna kala yihiin.
1. Eliud Muthiora Kariara (madax bannaan)
2. Dorothy Kemunto Nyangori (madax bannaan )
3. Dr. Ekuru Aukot (xisbiga Thirdway Alliance)
4. Gibson Ngaruiya Nganga (madax bannaan )
5. George Munyottah (madax bannaan )
6. Jeremiah Nyagah (madax bannaan)
7. James Kamau (madax bannaan)
8. Jimi Wanjigi ( xisbiga Safina)
9. June Juliet Munyeki (madax bannaan)
10. Justus Juma ( xisbiga Justice & Freedom)
11. Peter Mumbiko King’ori (madax bannaan)
12. Walter Onchong’a Mong’are ( xisbiga Umoja Summit Party) iyo 13. Njeru Kathangu ( xisbiga Ford Asili)