Raila Odinga oo shaaciyay qorshihiisa hoggaamineed haddii xilka madaxweynenimo loo doorto

0
276

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Raila Odinga ayaa soo bandhigay qorsho ka kooban 10 qodob oo ku saabsan waxyaabaha uu doonaya inuu u qabto kenyaanka haddii 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan loo doorto xilka madaxtinnimo ee wadanka.
Waxaa uu Raila ballanqaaday in 100 cisho ee ugu horreysa maamulkiisa uu ku dhawaaqi doono in musuqmaasuqa uu khatar ku yahay amniga qaranka.
Raila oo xalay hadal ka jeediyay garoonka cayaaraha ee Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi ayaa wacad ku maray inuu soo dhisi doono guddi dabagal ku sameynaya falalka wax isdaba marinta ee ka dhex jiro waaxyaha amniga
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa uu la dagaalanka musuqmaasuqa gaarsiin doono heerka xiga.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in marka la doorto ka dib maaalinta ugu horreysa uu guda geli doono hoos u dhigidda sicir bararka jira ee saameeyay maciishadda shacabka.
Mr. Odinga waxaa uu sidoo kale ballanqaaday waxbarasho lacag la’aan ah laga billaabo dugsiga hoose dhexe ilaa heer jaamacadeed.
Qorshaha uu musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio uu xalay soo bandhigay ayaa ku saleysnaa wax soo saarka beeraha , daryeelka caafimaad iyo taageeridda ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdheexaadka ah ee loo yaqaano (SMEs).
Raila Odinga ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu 47-da ismaamul ee wadanka si siman ugu qaybin doono kheyraadka qaran.
Waxaa uu doonaya in ismaamul kasta uu lahaado wax soo saar qoto dheer oo tusaale hal badeeco ku saleysan iyadoo dowladda dhexe ay ka taageerayso dhanka qalabka iyo farsamooyinka kale ee warshadeynta.
Tani ayaa sare u qaadi doonto kheyraadka ismaamullada sida uu qabo Mr. Odinga.
Raila ayaa shaaca ka qaaday qorsho uu ugu magacdaray Fukuza Njaa agenda, oo lagula dagaalammaya gaajada iyadoo ujeedda laga leeyahay ay tahay in laga faa’iidaysto wax soo saarka beeraha si dadweynaha ay u helaan cunno ku filan oo ay quutaan.
Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday in bil kasta qoysaska uunan dakhli soo gelin ay maamulkiisa ka heli doonaan 6,000 oo shilin.
Barnaamijkan ayaa waxaa ka faa’iidaysan doono ilaa 2 milyan oo qoysas ah guud ahaan dalka.
Maamulka Raila ayaa si gaar ah u taageeri doono ganacsiyada dumarka.
Sidoo kale waxaa qorshaha Raila qayb ka ah in dhallinyarada laga soo dhiso dhanka xirfadaha iyadoo loo maraya horumarka tiknolojiyadeed sidoo kalena la siinaya lacago ay ku ganacsan karaan da’yarta.
Raila ayaa qorshihiisa ku daray daryeelka ‘Baba care’ oo ah mid shacabka u suurtagelin doono inay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Qorshahan ayaa shaqaalaha dowladda ee howlgabka noqday u fududeyn doono helidda caymis caafimaad.
Raila ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii canug kasta oo kenyaan ah uu ku heli lahaa waxbarasho tayaysan halka barayaasha la dhiirrigelin doono.
Raila Odinga waxaa uu sheegay inuu dhaqangelin doono barnaamij ku saabsan xallinta caqabadaha dhinaca biyaha iyo qiimaha ku baxa gaar ahaan qoysaska saboolka ah.
Raila Odinga waxaa uu sidoo kale ballanqaaday inuu sii wanaajin doono horumarrada ay sameysay dowladda hadda talada wadanka haysa.
Ku xigeenka Raila Martha Karua ayaa sheegtay inay fureen bog cusub oo sida ay hadalka u dhigtay dib loogu soo celinaya sharafta dhammaan kenyaanka si gaar ah dhanka tacliinta, caafimaadka, dhaqaalaha iyo in la xaqiijiyo in cidna aynan ku dambeyn dhanka horumarka.