Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja—One Kenya Alliance Raila Odinga oo uu shalay guddiga doorashooyinka ee IEBC u ansaxiyay u tartamidda hoggaanka wadanka ayaa lagu wadaa inuu maanta shaaca ka qaado qorshihiisa iyo barnaamijyadiisa horumarineed.
Mr. Odinga ayaa sheegay in uu soo bandhigi doono ajandihiisa 100-ka maalmood ee ugu horreeya ee uu xafiiska joogo haddii uu ku guuleysto hoggaanka ugu sarreeya wadanka ee doorashada guud ee 9-ka bisha Sideedaad ee sanadkan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka iyo madaxa xisbiga NARC Kenya ahna ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Martha Karua ayaa la filayaa in ay soo bandhigaan ajandahooda oo ka kooban 10 qodob oo ay ku jirto in la xaqiijiyo sinnaanta qaybsiga kheyraadka dalka ee 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay.
Raila Odinga ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in maamulkiisu uu dhaqangelin doono tallaabooyin sahlaya in ganacsiga dalka uu kobco.