Ekuru Aukot oo loo diiday inuu u tartamo hoggaanka wadanka

0
305

Hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Ekuru Aukot ayaa laga hor istaagay inuu ka mid noqdo musharraxiinta madaxweyne ee doorashada 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Tani ayaa timid ka dib markii uu shalay ku guuldareystay inuu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu u gudbiyo saxiixyada 48,000 oo taageerayaal ah.
Aukot ayaa IEBC u sheegay inaysan suurtagal ahayn in musharrax waliba uu tiradaasi geeyo.
Waxaa uu ku goodiyay inuu berri maxkamadda u gudbin doono dacwad uu uga soo horjeedo shardigan.
Madaxa Thirdway Alliance ayaa sheegay in xilligii doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii loo ansaxiyay musharraxnimada isagoo aan laga dalban saxiixyada.
Aukot ayaa xusay inay si ula kac ah u go’aansadeen inaysan IEBC saxiixyo ku wareejin maadaama sida uu hadalka u dhigay ay dadku dalbanayaan in la laaluusho si nuqul looga bixiyo aqoonsigooda qaran.