5 askari oo lagu dhaawacay Garissa

0
574

Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ee dalka ayaa ku warramaya in shalay subax 5 sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska ee maamulka ee loo yaqaano AP-da ay ku dhaawacmeen miinada dhulka lagu aaso oo ay buurkooda kula qaraxday deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa.
Xarunta dhexe ee booliska dalka ayaa sheegtay in baabuurka ay miinadu la qaraxday uu yahay nooca Toyota Landcruiser kaaso uu burbur culus soo gaaray.
Madaxa booliska ee waqooyi bari George Seda ayaa sheegay in aan weerarkaasi faahfaahin dheeraad ah laga hayn in kastoo ciidamo dheeraad ah la howlgeliyay si ay ammaanka u sugaan.