Kenya oo ka mid ah dalalka laga xusaya maalinta deegaanka adduunka

0
287

Waxaa maanta waddamo ay ka mid tahay Kenya looga dabbaal degaya maalinta adduunka ee deegaanka.
Xuskan ayaa sanad kasta la qabtaa 5-ta bisha Lixaad ee June.
Dabbaal degga sanadkan ayaa diiradda saaraya in dadweynaha ay noloshoodu maareeyaan iyagoo aan waxyeello gaarsiin deegaanka.
Wasaaradda arrimaha deegaanka iyo keymaha ee dalka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in xuska maalinta deegaanka adduunka uu ku soo beegmay xilli ay dunida ka jiraan dhibaatooyin ka dhashay isbeddellada dhanka cimillada.
Qoraalka wasaaradda waxaa qayb ka ah in cid kasta ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta deegaanka si ay uga faa’iidaystaan shacabka iyo jiilasha dambe.