Booliska Nakuru oo xiray 4 qof oo baraha bulshada hub ku soo bandhigay

0
481

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nakuru ayaa gacanta ku dhigay afar qof oo loo haysto inay baraha bulshada soo geliyeen sawirro iyagoo soo bandhigaya baangado ay sitaan.
Shakhsiyaadkan ayaa laga qabtay deegaanka hoose ee Mauche Ward.
Qoraal ay waaxda adeegga booliska soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgalka sidoo kale lagu soo helay 25 fallaar ah.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ee deegaanka Njoro ayaa hadda su’aalo weydiinaya eedeysanayaasha ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Laamaha ammaanka ayaa digniin adag u diray cid kasta oo qorsheynaysa inay baraha bulshada u adeegsato khalkhal gelinta xasiloonida guud.