Xildhibaanka Waqooyiga Dagoretti iyo dhigiisa Koonfurta Mugirango oo heshiiyay

0
575

Mudanaha laga soo doortay Waqooyiga Dagoretti ee dowlad deegaanka Nairobi Simba Arati iyo dhigiisa Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii Sylvanus Osoro ayaa heshiiyay ka dib markii 1-dii bishaan ay isku gacan qaadeen xilli ay ka qayb galayeen aaska Abel Gongera oo ahaa aabaha guddomiye ku xigeenka ismaamulka Kisii Joash Maangi.
Labada xildhibaan ayaa shalay ku heshiiyay isla magaaladii bil ka hor isku gacan qaadeen ee Kisii xilli ay ka qayb galayeen aaska Xildhibaanka deegaanka Bonchari ee ismaamulkaasi John Oroo Oyioka.
Waxaa heshiiskooda goobjoog ka ahaa hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Xildhibaanka deegaanka Waqooyiga Dagoretti Simba Arati ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu qaado talaabo geesinimo leh islamarkaana la kala aragti duwanaan karo balse taasi micnaheedu aysan ahayn in la dagaalamo.
Waxaa u sheegay in la aqbalo nabadda islamarkaana laga shaqeeya danta dadweynaha Kenyaanka.
Mudanaha Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii Sylvanus Osoro ayaa saaxiib dhaw la ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto halka dhigiisa Dagoretti oo ka mid yahay xulafada madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here