Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA ayaa billaabay baaritaan la xiriira dhimashada afar qof oo lagu dilay magaalada Masimba ee ismaamulka Kajiado.
Bayaan uu maamulkan soo saaray ayuu ku sheegay in koox dhacdadaan ka falceliyo la diray si ay u helaan dhammaan macluumaadka arrinkan ku saabsan.
Afarta qof ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas ku dhacday, iyadoo uu iska horimaad shalay dhexmaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da iyo dadka deegaanka Masimba.
Dadka deegaanka ayaa ka banaanbaxayay in aan xal loo helin dhibaatooouinka halkaasi ka jiro.
Iskahorimaadka u dhexeya dadka iyo duur-joogta ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada 8 qof muddo saddex bilood.