5 arday oo dhaawacmay ka dib markii mid ka mid ah uu sunta dadka ka ilmaysiisa la galay xarun waxbarasho

0
727

Booliska deegaan baarlamaneedka Changamwe ee ismaamulka Mombasa ayaa baaraya dhacdo uu arday dhigta fasalka koowaad ee dugsiga sare uu iskuulka la galay sunta dadka ka ilmaysiisa.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala dowlad deegaanka Changanwe Michael Yator, ayaa sheegay in arday wax ka baranayay dugsiga sare ee St. Charles Lwanga uu xaruntaasi waxbarasho saaka la soo galay sunta dadka ka ilmaysiisa.
Ardayga sunta la soo galay xarunto waxbarasho ayaa billaabay in ardayda kale uu la ciyaaro ka hor inta aysan qarxin suntaasi, taaso oo sababtay in shan arday dhaawacyo soo gaareen.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala dowlad deegaanka Changanwe ayaa sheegay in ardaydii wax baraneysay ay soo gaareen dhaawacyo fudud, laguna daweynayo isbitaalka Bomu ee magaalada Mombasa.
Dhanka kale waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo halka uu ardayga ka keenay sunta dadka ka ilmaysiisa