ODM oo musharaxiinta madaxweynenimo u kordhisay mudada ay codsiyada ku gudbin karaan

0
827

Xisbiga ODM ayaa maalmo dheeraad ah ku kordhiyay mudadii kama dambeyska ahayd ee horay loo qabtay siyaasiyiinta doonaya in ay sanadka 2022-ka u tartamaan madaxtinimada wadanka iyagoo xisbiga matalaya.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in ay codsiyadooda soo gudbiyaan ugu dambeyn maanta balse waxay haystaan ilaa 31-da bisha saddexaad ee sanadkan.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee ODM Catherine Muyeka Mumma .
Cid kasta oo daneynaysa in ay adeegsato tigidhka ODM ayaa lagu wargeliyay in ay foomamka codsiyada ka qaadato xarunta dhexe ee xisbiga ee Chungwa House ee magaalada Nairobi ama ay kala degto shabakadda rasmiga ee ODM.
Sidoo kale musharaxiinta ayaa laga doonaya in ay bixiyaan lacag hal milyan oo shilin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here