Hoggaamiyaha dalka oo rajo ka muujiyay in haweeney ay madaxweyne ku xigeen noqon doonto

0
531
President Uhuru Kenyatta having a word with Nark Kenya leader Martha Karua [2nd L] as former Jubilee Secretary General Raphael Tuju [L], Nark party leader and Kitui Governor Charity Ngilu [C] and Muranga Woman Rep Sabina Chege [R] looks on in this photo taken on April 21, 2022 during the inaugural Azimio la Umoja Coalition Party Council meeting at the Kenyatta International Convention Centre (KICC) that was chaired by President Uhuru. Photo | Jeff Angote | Nation

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in marka la gaaro doorashada guud ee bisha Siddeedaad ay haweeney ka mid noqon doonto hoggaanka ugu sarreeya ee wadanka.
16-kii bishii hore ayay ahayd markii musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio , Raila Odinga uu ku xigeenkiisa u soo xushay Martha Karua.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu faahfaahin ka bixinayay sida maamulkiisa uu ugu dadaalay in dumarka fursad loo siiyo xilalka hoggaamineed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in 11 dumar ah uu u magacaabay xilalka wasiirrada.
Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay in sanadkii 2018-kii , uu Faadumo Axmad u magacaabay taliye sare oo ka tirsan ciidamada difaaca.
Sanadkii 2021-kii waxaa hanti dhowraha qaranka loo magacaabay Mrs. Nancy Gathungu halka Martha Koome ay tahay madaxa cadaaladda dalka.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay qaadatay muddo 24 sano ah ka dib madax banaanidii wadanka in haweeney loo magacaabo xoghaye joogta ah.
Margaret Githinji ayaa sanadkii 1987 loo soo xushay xoghayaha joogtada ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.
Dhanka kale madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in 9-kii sano ee la soo dhaafay maamulka Jubilee uu dhisay in ka badan 11,000 kiiloomitir oo waddooyin ah.