Dowladda dhexe ayaa hal bil oo dheeraad ah ku kordhisay muddada uu sii shaqeynaya bandowga horay loogu soo rogay ismaamulka Marsabit.
Dadweynaha halkaasi ku nool ayaan guriyahooda ka soo bixi karin inta u dhexeysa 6-da maqribnimo ilaa 6-da subaxnimo.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi, ayaa sheegay in muddada la kordhiyay ay ciidamada ammaanka fursad u siin doonto inay ku guulaystaan ujeeddooyinkii laga lahaa qorshahan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inta uu bandowga jiro in aan gudaha Marsabit lagu qaban karin isku imaatin dadweyne,bannaanbax, socod shakhsiyeed ama koox ahaan marka laga reebo cidda haysata oggolaansho rasmi ah oo uu ansaxiyay taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Hillary Mutyambai.
2-dii bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka uu bandow 30 cisho ah ku soo rogay dowlad deegaanka Marsabit oo ay ku soo noqnoqdeen falal amni darro.