Maamulka Jubilee oo aan ka laaban doonin dhaqangelinta CBC

0
502

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in marnaba aan laga laaban doonin dhaqangelinta manhajka waxbarasho ee CBC ee lagu beddelaya midka 8-4-4 ee sanado badan la adeegsanayay.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa caddeeyay in sababta loo beddelay hannaankii hore ee tacliinta ay tahay inuusan la jaanqaadi karin himilooyinka horumarineed ee wadanka.
Waxaa uu xusay in hannaanka 8-4-4 uu culeys ku noqday ardayda maadaama ay xoogga saaraan inay ku guulaystaan imtixaannada qaran ee shahaaddiga ah.
Mr. Kenyatta ayaa khudbadiisi shalay ku sheegay in shacabka aynan guul dareysan balse waxa fashilmay ay yihiin nidaamyada oo haddii ay dantu keento la beddeli karo.
Madaxweynaha dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday in manhajka cusub ee CBC uu ardayda ka soo dhisaya dhanka hal-abuurka iyo inay maskax ahaan sida uu hadalka u dhigay xor noqdaan.
Dhanka kale madaxweynaha dalka ayaa sheegay in 9 sano ka hor tirada xarumaha sare ee tacliinta ay ahaayeen 52 balse ay hadda yihiin 238.