Hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta oo shalay faahfaahin dhinacyo badan ah ka bixiyay waxqabadkiisa tan iyo markii uu hoggaanka qabtay sanadkii 2013-kii ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad siiyay arrimaha ammaanka iyo gaashaandhigga.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dadaal la geliyay sugidda amniga xuduudaha wadanka.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay inuu fahansan yahay in haddii ay amni darro jirto aan la gaari karin horumar dhanka nolosha iyo ganacsiga ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in maamulkiisa uu aamusiiyay argagixisada ka dib markii la qalabeeyay waaxyaha amniga si ay uga falceliyaan caqabadaha iyo khatarrada soo foodsaara.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in Kenya ay ka mid noqotay xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay tani oo fursad u siinaysa inay codkeeda ku biiriso xal u helidda arrimaha amniga iyo nabadgalyada ee khatar gelin karo nolosha aadanaha.