Madaxweynaha dalka oo guddoomin doono shirka caalamiga ee deegaanka

0
377

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ra’iisul wasaaraha wadanka Sweden Magdalena Andersson ayaa maanta si wadajir ah u guddoomin doono shir caalami ah oo looga hadlaya arrimaha deegaanka.
Kulanka ayaa ka dhacaya magaalada Stockholm ee caasimadda dalkaasi.
Shirka ayaa la qorsheeyay inuu socdo muddo labo cisho ah.
Safiirka Kenya ku matasha dalka Sweden Ambasadoor Diana Kiambuthi ayaa sheegtay in madaxweyne Kenyatta uu shirkaasi ku faahfaahin doono mowqifka maamulkiisa ee ilaalinta deegaanka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in laga wada hadli doono qodobbo ay ka mid yihiin isbeddelka ku yimaada cimillada iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah.
Mrs. Diana ayaa intaasi ku dartay in dowladaha Kenya iyo Sweden ay sidoo kale iska kaashadaan horumarinta sinnaanta jinsiyadeed.
Kulankii ugu horreeyay ee heer caalami ah oo ku saabsan arrimaha deegaanka ayaa sanadkii 1972-dii lagu qabtay magaala madaxda Sweden ee Stockholm halkaasoo lagu soo aasaasay barnaamijka deegaanka ee qaramada midoobay ee (UNEP) oo ay xaruntiisa dhexe ku taalla magaalada Nairobi.