Wakiil xubin ka ah golaha hoose ee Nairobi oo xukun lagu riday

0
729

Wakiilka laga soo doortay xaafadda Karen ee magaaladatan Nairobi David Mberia ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah ama inuu bixiya lacag dhan 700,000 oo shilinka dalka ah ka dib markii lagu helay dambi ah dalbashada lacag laaluush ah.
Waxaa uu dalbaday 1.7 milyan shilin oo laaluush ah si loo xalliyo muran dhul oo uu leehay iskuul ku yaala ismaamulka Nairobi.
Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda u sheegtay in wakiilka uu lacag laaluush ah ka dalbaday milkiilayaasha iskuulka Kiragu Waichahi, kaas oo ku yaala xaafadda Pumwani ee deegaanka Kamukunji.
Garsooraha maxkamadda Thomas Nzioki oo dacwadda mas’uulka iyo eedeysanayaal kale dhagaystay ayaa Mr Mberia ka horjoogsaday inuu tago xafiiskiisa ama mid dowladeed.
Amarka maxkamadda ayaa lagu wadaa in lagu wargeliyo afhayeenka wakiillada golaha hoose ee Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here