In ka badan 30,000 oo baabuur ah oo maalin waliba adeegsada marinka Nairobi Expressway

0
528

Wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dalka James Macharia ayaa sheegay in tan iyo markii 14-kii bishii hore ee May si tijaabo ah loo furay waddada wayn ee Nairobi Expressway ay maalin kasta isticmaalaan ugu yaraan 31,000 oo baabuur ah.
Waxaa uu xusay in tani ay yareysay ciriirigii badnaa ee ka jiray waddada Mombasa Road.
Bishii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta sheegay in isticmaalka waddada Nairobi ExpressWay lagu ogaan doono qaybaha u baahan in dib loo eego ka hor inta aan si rasmi ah xarigga looga jarin.