Dadweynaha oo loogu baaqay isticmaalka afxirka

0
413

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay wasaaradda caafimaadka ee dalka ay diiwaangelinaysay sare u kac dhanka kiisaska cudurka COVID-19 , ayaa kenyaanka lagula taliyay inay isticmaalaan afxirka.
Waxaa baaqan soo saartay xoghayaha joogtada ee wasaaradda caafimaadka dalka Susan Mochache .
Waxay hoosta ka xarriiqay in dadweynaha looga baahan yahay inaysan fududeysan halista caabuqa corona oo ay sitaan afxirka sidoo kalena qaataan dawooyinka tallaalka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay xaqiijisay xaaladaha cudurka COVID-19 oo gaaraya 117 tani oo tirada guud ka dhigtay 324,976.