Madaxa cadaaladda dalka oo guddi u saartay kiisas ka dhan ah Mike Sonko

0
269

Madaxa waaxda cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa soo magacawday guddi ka kooban saddex garsoorayaal ah.
Waxay xaakinnada dhageysan doonaan dacwado maxkamadaha la geeyay oo looga soo horjeedo in barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko uu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan u tartamo xilka guddoomiyaha dowlad deegaanka Mombasa .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dacwadaha ay yihiin ugu yaraan toddobo.
Garsoorayaasha loo xilsaaray inay kiisaskan dhageystaan ayaa kala ah David Majanja, Chacha Mwita iyo Thande Mugure.
Dhammaan dacwadahan ayaa hal kiis ahaan loogu dhageysan doonaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
Saddex garsoore ayaa lagu wadaa inay shaaciyaan taariikhda ay billaabayaan dhageysiga dacwadaha ka dhanka ah Mike Sonko.