5 ka mid ah wakiilladii hore ee Makueni oo maxkamad la soo taagay

0
330

Waxaa maanta maxkamadda Makueni ka soo hormuuqday 5 wakiil oo horay uga tirsanaa golaha hoose ee dowlad deegaankaasi.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa in sanadkii 2014-kii ay musuqmaasuqeen lacag gunno ah in kastoo safar ay xilligaasi ku tageen magaalada Dubai ee dalka isu tagga imaaraadka carabta uu ahaa mid si gaar ah loo maalgeliyay.
Hasa ahaate markii ay wadanka dib ugu soo laabteen ayay si sharci darro ah ku dalbadeen oo lagu siiyay lacagta .
Eedeysanayaasha ayaa iska fogeeyay dacwadda lagu soo oogay waxayna maxkamaddu amartay in mid waliba lagu siidaayo damiin lacageed oo dhan 150,000 oo shilin.
14-ka bisha soo socoto ayay maxkamaddu soo hadal qaadi doontaa dacwadda ay wajahayaan ka hor inta aan 17-da June la billaabin dhageysigeeda.