Dowladaha Kenya iyo Sierra Leone ayaa si wadajir ah qalinka ugu duugay heshiisyo gaaraya toddobo sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Kanze Dena Mararo.
Tani ayaa timid ka dib markii uu shalay hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta qaabilay dhigiisa Sierra Leone Julius Maada Bio.
Heshiisyada ayaa ku saabsan in la soo dhiso guddi iskaashi oo isku dhaf ah,wadatashi ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo dibloomaasiyadda,ganacsiga iyo maalgashiga, in labada dowladood ay ka wada shaqeeyaan dhanka dalxiiska iyo duurjoogta,, sinnaanta jinsiyadeed iyo awoodsiinta dumarka, dhaqanka iyo farshaxanta ,ugu dambeyna arrimaha dhallinyarada.
Waxaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta wada hadallada horseeday heshiisyadan ku wehelinayay wasiirrada kala ah Dr. Fred Matiang’i ( arrimaha gudaha ), Amb Raychelle Omamo ( arrimaha dibadda ), Amb Amina Maxamad ( cayaaraha ), Joe Mucheru (ICT), Prof Margaret Kobia ( adeegga dadweynaha ) iyo Betty Maina ( ganacsiga ).
Spokesperson's Office
State House, NairobiMonday, 30th May 2022
Press Statement:
Bilateral Meeting between Kenyan🇰🇪 and Sierra Leonean🇸🇱 Delegations at State House, Nairobi.
Read more: https://t.co/tOXKUt5UjR pic.twitter.com/l6knEYcWqe
— State House Kenya (@StateHouseKenya) May 30, 2022




