Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in laga taxaddaro COVID-19

0
522

Hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shacabka ku boorriyay inay sii wadaan taxaddarka ay ka muujinayaan cudurka COVID-19 oo weli wadanka ka jiro.
Waxaa uu sheegay in kastoo dowladdu ay fududeysay tallaabooyinkii ay ka xakameynaysay faafitaanka caabuqa , haddana in aan laga gudbin halistiisa.
Mr. Kenyatta ayaa dadweynaha kula taliyay inay qaataan dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka ama irbadda tallaalka xoojisa.
Madaxweynaha ayaa baaqan maanta soo saaray xilli uu ku sugnaa madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House halkaasoo uu kormeer ku sameynayay bandhigga 92-aad ee hay’adda gurmadka degdegga ee St John Ambulance Kenya.
Waxaa uu shaaciyay in dowladda ay sanad walbo hay’addan ku taageeri doonto 150 milyan oo shilin iyadoo 100 milyan oo lacagtan ka mid ah la siinaya sanad maaliyadeedkan.
Madaxweynaha ayaa maamulka hay’addan oo la aasaasay sanadkii 1923, kula taliyay in howlahooda maalinlaha ah ay ka qayb geliyaan dhallinyarada.
Waxaa uu hay’adda ku bogaadiyay kaalinta wax tarka leh ee ay ka qaadato fidinta adeegyada caafimaad gaar ahaan doorkeedii xakameynta faafitaanka cudurka COVID-19.