Waxaa lagu soo warramayaa in xalay uu shil baabuur ku geeriyooday xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Rabai ee ismaamulka Kilifi William Kamoti.
Shilka ayaa ka dhacay aaga Komaza ee ku teedsan waddada wayn ee isku xirta dowlad deegaannada Kilifi iyo Mombasa.
Xisbiga ODM oo uu mudanahan ka tirsanaa ayaa sheegay in Kamoti uu dhintay wax yar ka dib markii uu waraaqihiisa magacaabista u gudbiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Barasaabka ismaamulka Kilifi Amason Kingi ayaa boggiisa Twitter-ka uga tacsiyadeeyay mudanaha isagoona xildhibaanka ku tilmaamay inuu ahaa mid dadaal badan.
Senetarka dowlad deegaanka Siaya James Orengo ayaa sheegay in wadanku uu waayay mas’uul aad u dadaal badnaa.