IEBC oo billaabaysa ansaxinta musharraxiinta madaxweyne

0
576

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa maanta billaabaya qiimeyn ku aaddan siyaasiyiinta loo oggolaan karo inay 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay u tartamaan hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
20-kii bishii Koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu sheegay in howshan ay socon doonto inta u dhexeysa 29-ka May ilaa 7-da bisha Lixaad ee June.
Guddiga doorashooyinka ayaa shalay soo bandhigay 16 musharrax oo daneynaya xilka madaxtinnimo kuwaasoo sugaya in la turxaan bixiyo.
Siddeed ka mid ah shakhsiyaadkan ayaa xisbiyo matalaya halka inta kale ay si madax bannaan u tartami doonaan waxayna kala yihiin Ekuru Aukot ( xisbiga Thirdway Alliance), Jimi Wanjigi (Safina Party) ,Njeru Kathangu (Ford Asili), barasaabka Murang’a Mwangi Wa Iria oo matalaya ( Usawa Kwa Wote Party), George Wajackoya (Roots Party) iyo David Mwaura Wahiga (Agano Party).
Musharraxiinta madaxweyne ee madaxa bannaan ayaa kala ah Dorothy Kemunto Nyangori, Peter Mubiko King’ori, Jeremiah Nyaga, Jane Juliet Munyoki, Faith Wairimu Ngigi, Eliud Muthiora Kariara ,George Munyotta Kamau iyo Gibson Ngaruiya Ng’ang’a.
Raila Odinga oo matalaya isbeheysiga Azimio iyo dhigiisa Kenya Kwanza William Ruto ayaa sidoo kale toddobaadkan hor tagi doono guddiga doorashooyinka ee dalka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Ruto la turxaan bixiyo 4-ta June halka Raila la qiimeyn doono 5-da bisha soo socoto.