Kenya oo ka mid ah dalalka u dabbaal degaya maalinta nabad sugayaasha qaramada midoobay

0
477

Kenya ayaa ka mid ah waddamada dunida ee maanta u dabbaal degaya maalinta caalamiga ee ciidamada nabad sugidda qaramada midoobay.
Xuskan ayaa sanad kasta la qabtaa 29-ka bisha Shanaad ee May.
Dabbaal degga gudaha wadanka ayaa ka dhacaya xarunta taageeridda dadaallada nabadeed oo ku taalla deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi.
Maanta oo kale ayaa la bogaadiyaa waxqabadka saraakiisha horay uga tirsanaa iyo kuwa weli qaybta ka ah howlgallada amni ee ciidamada nabad sugidda jimciyadda qurumaha ka dhexeysa .