Madaxweynaha Sierra Leone oo dalka ku joogo booqasho shan cisho ah

0
485

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ambasadoor Raychelle Omamo ayaa xalay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaalada Nairobi ku soo dhaweysay madaxweynaha wadanka Sierra Leone Julius Maada Wonie Bio.
Mas’uulkan ayaa Kenya ku sugnaan doono muddo shan cisho ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in Maada uu kulan la qaadan doono madaxweyne Uhuru Kenyatta si ay u yeeshaan wada hadallo labo geesood ah.
Hoggaamiyaasha Kenya iyo Sierra Leone ayaa la filayaa inay saxiixaan toddobo heshiis oo lagu xoojinaya xiriirka ka dhexeya labada dal.
Sidoo kale Julius Maada oo marti sharaf ah ayaa 1-da bisha Lixaad ee sanadkan ka qayb geli doono dabbaal degga maalinta qaran ee Madaraka Day.
Maalintan ayaa la xusaa xilligii ay sanadkii 1963-dii Kenya qaadatay maamulka gudaha ka dib markii tan iyo sanadkii 1920-kii uu guumaysanayay Ingiriiska.