DHAGEYSO:Senatarka Makueni oo dhaliil u jeediyay wasaaradda tacliinta

0
514

Senatarka ismaamulka Makueni Mutula Kilonzo Junior ayaa wasaaradda waxbarashada ee dalka ku dhaliilay inay dhaqangelinayso manhajka tacliinta ee CBC iyadoo ay caqabado jiraan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in markii qorshahan la dejinayay aan wada tashi buuxa lala sameyn dhinacyada ay khuseyso.
Senatarka ayaa tusaale u soo qaatay in dugsiyada qaar aynan lahayn fasallo ku filan ardayda qaadanaya nidaamkan.
Sidoo kale waxaa uu digniin u diray guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Senatar Mutula Kilonzo Junior ayaa soo jeediyay in la xaqiijiyo in macallin aynan saameyn ka soo gaarin nidaam sare loogu qaadaya aqoonta barayaasha.