DHAGEYSO:Ololaha doorashada dalka oo maanta si rasmi ah u billaabanaya

0
591

Sida uu horay u shaaciyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC, waxaa maanta si rasmi ah u billaabanaya ololaha siyaasadeed ee ku aaddan doorashada guud ee sanadkan.
In kastoo taariikhdan la cayimay , siyaasiyiinta ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay waday dadaallo ay taageero uga raadsanayaan codbixiyeyaasha.
Ololaha ayaa socon doono muddo labo bilood ah waxaa uuna dastuurka Kenya qeexaya in la soo gabagabeeyo 48 saacadood ka hor xilliga codeynta oo ah 9-ka bisha Siddeedaad.
Musharraxiin badan ayaa tartan ugu jiro inay qabtaan xilalka hoggaanka ee madaxweynaha , guddoomiyaha ismaamulka , senatarka , xildhibaanada deegaannada , wakiillada haweenka iyo xubnaha golayaasha hoose ee dowlad deegaannada.
Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya siyaasiyiinta ee ah inay sameyaan olole nabad ah oo aan dadweynaha lagu kala qaybin.
Labo ka mid ah dadweynaha deegaanka Rongai ee ismaamulka Nakuru ayaa musharraxiinta baaqan u diray.