In ka badan 20 shacab ah oo lagu dilay DRC

0
592

Waxaa lagu soo warramayaa in kooxo hubeysan ay ugu yaraan 24 qof oo rayid ah ay ku dileen bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC.
Ciidamada militariga ee dalkaasi iyo ururrada bulshada ayaa laga soo xigtay in weerarka oo ay gaysatay fallaago loo adeegsaday baangado.
Waxaa khasaaraha nafeed ee ka dhashay falkaasi warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka ciidamada difaaca ee dalka DRC iyo hay’adda laanqayrta cas.
Urur dabagal ku sameeya amniga gobolka bari ee Congo oo loo yaqaano (KST) ayaa tirada dhimashada ku sheegay in ka badan 27 ruux.