Waxaa uu qorshuhu yahay inay dalka ka ambabaxaan qaybtii ugu horreysay ee saraakiisha caafimadka kuwaasoo tababarro ku saabsan la tacaalidda cudurka Kansarka ku soo qaadan doono boqortooyada Ingiriiska.
Tani ayaa timid ka dib markii labada dowladood ay wada saxiixdeen heshiis arrinkan ku aaddan.
Heshiiska ayaa ku saabsan sare u qaadidda dadaallada looga hor tago sidoo kalena lagu maareeyo xanuunnada halista ah.
Jimcihii ayay ahayd markii wafdi uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Kenya Mutahi Kagwe uu safar ku tagay UK.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada waddan ay dhaqangelinayaan heshiisyo ay gaareen bishii Toddobaad ee sanadkii hore.