Waxaa uu qorshuhu yahay in barnaamij ka dhan ah xaaladda caafimaad ee isku furanka laga fuliyo dowlad deegaanka Tharaka Nithi.
Adeeggan caafimaad oo si lacag la’aan ah lagu bixinaya ayaa waxaa ka faa’iidaysan doono 50 dumar ah.
Barnaamijka ayaa lagu qaban doonaa isbitaalka wayn ee Chuka waxaa uuna qayb ka yahay xuska maalinta caalamiga ee cirib tirka isku furanka ee (IDEOF).
Dabbaal deggan oo dhacay 23-kii bishan ayaa waxaa hal ku dhig u ahaa sanadkan in hadda la cirib tiro isku furanka , maalgelinta daryeel caafimaad oo tayo leh iyo awoodiinta bulshooyinka.
Daryeelka caafimaad ayaa waxaa fulintiisa iska kaashanaya wasaaradda caafimaadka , dowladda hoose ee ismaamulka Tharaka Nithi ,Beyond Zero, M-PESA Foundation, UNFPA, AMREF iyo dhakhaatiirta wareega ee Flying Doctors ee qaaradda Afrika.
Ujeeddada laga leeyahay ayaa ah in sare loo qaado wacyigelinta ka dhanka ah isku furanka dumarka saameeya iyo muhiimadda ay leedahay in la sameeyo maalgelin tayo leh oo dhanka caafimaadka ah.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 2 milyan oo dumar ah ay dunida oo dhan la nool yihiin xaaladda isku furanka.
Mid ka mid ah haweenka barnaamijyada noocan ah ka faa’iidaystay ayaa dareenkeeda warbaahinta la wadaagtay.