Ciidamada ammaanka ee xaafadda Parklands ee magaalada Nairobi ayaa gacanta ku dhigay 5 eedeysanayaal oo loo haysto inay nin afduubeen ka dibna ka dalbadeen lacag madax furasho ah.
Tuhmanayaasha ayaa isugu jiro labo rag iyo saddex dumar ah.
Waxaa magacyadoodu lagu sheegay Joseph Makau, Patrick Wekesa, Rehema Njeri, Vigilance Mumbi iyo Hadija Ong’ai.
Shakhsiyaadkan ayaa waxaa soo xiray saraakiisha waaxda dambi baarista ee DCI-da ee Parklands.
Ciidamada ayaa laga soo xigtay in haweenka oo kala ah Mumbi, Ong’ai iyo Njeri ay ninka la afduubtay ugu yeereen guri ku yaalla deegaanka Ruaraka halkaasi oo iyagoo garab ka helaya labada qof ee kale ay ka dalbadeen inuu bixiyo lacag dhan 100,000 oo shilin si ay u siidaayaan.
Laamaha ammaanka ayaa dhacdadan la xiriirinaya mid bishii hore isla xaafadda Parklands qof looga dhacay 450,000 oo shilin.
Eedeysanayaasha ayaa la filaya in saaka maxkamadda la soo taago si ay uga jawaabaan inay dhac hantiyeed gaysteen iyagoo awood adeegsanaya.
THE REINCARNATION OF THE BASMATI BABES
Detectives based at DCI parklands have arrested 5 suspects among them three women for kidnapping a man and demanding for a ransom to set him free. In a crime that is gaining currency barely a week after the ‘Basmati Babes’ expose pic.twitter.com/XFm0Ojj5R5
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) May 26, 2022