Madaxweynaha dalka oo ballanqaaday inuu hoggaanka si nabad ah ku wareejin doono

0
657

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa musharraxiinta madaxweyne iyo si guud kenyaanka u ballanqaaday inuu si nabad ah hoggaanka wadanka ugu wareejin doono cidii ku soo baxdo loolanka 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan duco qaran ah oo maanta ka dhacay maqaaxida Safari Park ee magaalada Nairobi.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in maalinba maalinta ka sii dambeysa ay sare u sii kacaysa xiisadda siyaasadeed ee wadanka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in dhisidda qaranka ay tahay arrin ay jiilalka la kala wareegaan oo uuna doonaya inuu sidaasi sameeyo.
Mr. Kenuyatta ayaa xisbiyada iyo siyaasiyiinta tartanka ku jiro ku boorriyay in haddii laga guulaysto , ay natiijada codeynta oggolaadaan si aynan rabshad uga dhicin wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here