Garoonka  Wilson ee Nairobi oo si ku meel gaar ah loo xiri doono

0
670

Waxaa Sabtida nagu soo aaddan ee 28-ka bishan si ku meel gaar ah loo xiri doonaa  gagida diyaaradaha ee Wilson ee magaalada Nairobi.

Maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee wadanka ee KAA  ayaa  bayaan ku sheegay in maalinkaasi  ay ciidamada difaaca ee KDF-ta  qabanayaan bandhig.

Arrintan  ayaa saameynaysa   duulimaadyada  la qorsheeyay  inay ku soo  dagaan  ama   ka  duulaan  garoonka Wilson maalinka Sabtida laga  billaabo 7-da aroornimo ilaa 2-da duhurnimo.

KAA ayaa cid kasta oo qorsheynaysay  inay Sabtida  ka safarto  ama ku soo degto garoonkaasi ku boorrisay  inay wixii  faahfaahin ah kala xiriirto  shirkadaha duulimaadyada.

KDF  ayaa dhankeeda sheegtay in bandhigga dhanka hawada  ay hoggaamin doonaan  saraakiisha difaaca hawada ee dalka ee loo yaqaano Kenya Air Force.

Waxaa halkaasi lagu  soo bandhigaya siyaabo lagu madadaalinaya  shacabka iyo militariga labaduba.

Sidoo kale ciidamada  waaxda  adeegga duurjoogta ee KWS ayaa soo bandhigi doono  qaabab lagula tacaalo ugaarsiga.