DHAGEYSO:Hal qof oo lagu dhaawacay waqooyiga Baringo

0
323

Dadweynaha ku nool waqooyiga ismaamulka Baringo ayay cabsi soo foodsaartay ka dib markii weerar ka dhacay tuulada Kapturo lagu dhaawacay hal qof.
Rag hubeysan oo aan weli haybtooda la aqoonsan ayaa dhanka lugta rasaas uga dhuftay haweeney lagu magacaabo Naomi Rotuno oo hadda laga daweynaya dhaawac soo gaaray.
Dadweynaha oo ka cabsi qabo in mar kale dib loo xiro goobaha waxbarashada amni darrada awgeed ayaa sheegay in haweeneyda lagu weeraray gurigeeda.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta u warramay ayaa sheegay in haddii aan xaaladdan wax laga qaban ay xita saameyn karto qaabka ay shacabka ugu soo baxaan codeynta doorashada guud.