Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda kiis la xiriira furuq daanyeerka loo yaqaano Monkeypox aan laga diiwaangelin gudaha wadanka.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka Susan Mochache oo warbaahinta kula hadashay ismaamulka Kisii ayaa dhanka kale hoosta ka xarriiqay in sare loo qaaday howlaha kormeerka gaar ahaan meelaha dalka laga soo galo.
Waxay intaasi ku dartay in la diyaariyay tallaabooyin falcelin ah oo ay Kenya iyo si guud bariga Afrika uga jawaabi karto cudurkan haddii uu u soo gudbo.
Susan Mochache ayaa dadweynaha u xaqiijisay inaysan jirin sabab ay walaac u muujiyeen.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa intaasi raacisay inay adeegsan doonaan nidaamyadii dabagalka ee COVID-19 maadaama sida ay hadalka u dhigay ay awood u leeyihiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay sheegtay in laga soo billaabo 13-kii May ilaa 21-kii bishan, 12 waddan laga soo tabiyay xaaladaha cudurka Monkeypox.
Waddamadan ayaa kala ah Australia, Belgium, Canada, Faransiiska , Jarmalka, Talyaaniga, Netherlands,Portugal, Spain, Sweden,Ingiriiska iyo Maraykanka.
Sidoo kale 23-kii bishan ayaa xaaladaha caabuqan laga xaqiijiyay shan dal oo dheeraad ah kuwaas oo kala ah Austria, Denmark, Israa’iil, Scotland iyo Switzerland.
Waxaana ilaa iyo hadda kiisaska furuq daanyeerka loo yaqaano Monkeypox laga xaqiijiyay ilaa 17 dal.
Hay’adda ayaa shaacisay in baaritaano ka dib, la xaqiijiyay 92 xaaladood oo ah cudurka Monkeypox iyo 28 laga shakisan yahay.