Isbeheysiga Azimio oo maanta ololihiisa geynaya Garissa

0
491

Waxaa uu qorshuhu yahay in ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja Martha Karua ay maanta gaarto ismaamulka Garissa.
Karua ayaa maalmihii ugu dambeeyay olole siyaasadeed oo xooggan ka wadday dowlad deegaannada gobolka bartamaha dalka.
Xilli ay shalay ku sugnayd ismaamulka Laikipia ayay sheegtay in haddii iyada iyo Raila Odinga ay bisha Siddeedaad qabtaan hoggaanka ugu sarreeya wadanka ay si wayn ula dagaallami doonaan musuqmaasuqa.
Waxay codbixiyeyaasha si joogto ah ugu boorrinaysa inay aad uga fiirsadaan shakhsiyaadka ay xilliga doorashada guud ku taageerayaan codadkooda.
Socdaalka ay Martha Karua ku tagaysa Garissa ayaa ku soo aadaya maalmo un ka dib markii magacaabideedi uu soo dhaweeyay hoggaanka ururka horumarinta haweenka ee ismaamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here