11 xubnood oo loo xilsaaray u ololeynta Azimio

0
573

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Raila Odinga ayaa soo bandhigay guddi ka kooban 11 xubnood oo uu doonaya inay hoggaamiyaan ololihiisa siyaasadeed.
Waxay ka howlgeli doonaan dhammaan gobollada wadanka.
Guddigan waxaa ka mid ah xildhibaankii hore ee deegaanka Gatanga Peter Kenneth iyo xoghayaha Azimio Junet Maxamad.
Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ayaa sheegay inay guda galeen olole ballaaran oo heer qaran ah.
Labadan mas’uul ayaa si wadajir ah ama mid mid u qaban doono isku soo baxyo siyaasadeed iyagoo ay wehelinayaan xubnaha guddiga la magacaabay.
Xubnaha kale ee guddiga u ololeynta Azimio ayaa kala ah mudanaha bariga Embakasi Babu Owino, barasaab ku xigeenka Nyeri Carol Karugu, Philip Pande, Mishi Mboko, Opiyo Wandayi, Richard Onyonka, Caleb Amisi, Maina Kamanda iyo Kanini Kega.
Dhanka galbeedka wadanka waxaa hoggaamin doono guddoomiyaha Kakamega Wycliffe Oparanya iyo wasiirka gaashandhigga Eugene Wamalwa oo ay caawin doonaan Wafula Wamunyinyi, George Natembeya, Eseli Simiyu, Emmanuel Wangwe, Paul Otuoma, Ayub Savula, George Khaniri iyo Sospeter Ojamong.
Dhinaca xeebta waxaa loo xilsaaray barasaabka Mombasa Xasan Cali Joho ,Granton Samboja, Suleiman Shahbal, Gideon Mungaro, Joyce Lay, Omar Boga iyo mudanaha deegaanka Mvita Abdulswamad Shariff.
Gobolka Rift Valley oo uu ka soo jeedo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto , waxaa ololaha isbeheysiga Azimio hoggaamin doono safiirkii hore ee Kenya ku matalayay Austria Stephen Tarus, xoghayaha guud ee xisbiga KANU Nick Salat, John Lonyangapuo, John Munyes iyo David Pkosing.
Bartamaha dalka waxaa uu Raila u xilsaaray wasiirka beeraha Peter Munya ,Sabina Shege iyo barasaabka Nakuru Lee Kinyajui

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here